OpenStreetMap

©Tabarucayaasha
OpenStreetMap

OpenStreetMap wuxuu awood siiyaa macluumaadka ku jira kumanaan shabakado, barnaamijyada telefoonada, iyo qalabka kombuyuutarka

OpenStreetMap waxaa dhisay bulsho khariiradlayaal ah kuwaas oo gacan ka geysta oona ilaaliya xogta ku saabsan wadooyinka, raadadka, makhaayadaha, boostaajooyinka tareenka, iyo in ka badan, adduunka oo idil.

Aqoonta Deegaanka

OpenStreetMap waxay xoojisaa aqoonta deegaanka. Tabarucayaashu waxay isticmaalaan sawirro muuqaal ah, qalabka GPS (Nidaamka Meeleynta Caalamka), iyo khariiradaha goobta tiknoolajiyadooda sahlan si loo xaqiijiyo in OSM sax tahay oona la cusboonaysiiyay.

Hoggaamiso Bulshada

Bulshada OpenStreetMap waa kuwo kala duwan, dareen xoogan leh, horumarna samaynaya maalin kasta. Tabarucayaasheena waxaa ka mid ah khariiradlayaal xamaasadaysan, xirfadlayaasha GIS, injineerada ku shaqeeya barnaamijyada kombuyuutareed ee OSM, khariiradlayaasha bini'aadamnimada jooga goobaha ay saameyeen musiibooyinka iyo kuwo kale oo badan. Si aad wax badan uga barato bulshada, eeg Maqaalka OpenStreetMap, maqaalada, maqaalada bulshada, iyo shabakada the Ururka OSM.

Xog Furan

OpenStreetMap waa xog furan: waxaad xor u tahay inaad u isticmaasho ujeeddo kasta illaa iyo intaad xuquuqda OpenStreetMap iyo tabarucayaasheeda ka xusayso. Haddii aad beddesho ama aad ku biiriso xogta mid cusub, waxaad qaybin kartaa natiijada keliya adigoo isticmaalaya ruqsada mid la mid ah. Faahfaahinta ka eeg bogga Xuquuqda Daabacaadda iyo Ruqsada.

Shuraakada

Martigelinta waxaa naga taageera UCL, Bytemark Hosting, Imperial College London, iyo shuraako kale.